DAAWO then Akhriso: MUSHARAX JIBRIIL IBRAAHIM CABDULLE OO SI WEYN LOOGU SOO DHOWEEYAY BAYDHABO MAANTA

WAAJIDPRESS – 29 September 2016:

image image image image image image

Jibriil Ibraahim Cabdulle (oo ka SOO jeeda Beesha Abgaal – Hawiye) oo ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koofur Galbeed.

Safarka Musharax Jibriil ku tagay Baydhabo ayaa qeyb ka ah safaro uu ku kala bixinayo magaalooyinka lagu wado inay dhowaan ka dhacaan doorashada labada aqal ee Baarlamaanka.

Jibriil Ibraahim Cabdulle oo todobaad ka hor Muqdisho kaga dhawaaqay Musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha ayaa ololihiisa si ka duwan Musharaxiinta kale waxaa uu ka bilaabayaa gobolada dalka Soomaaliya.

Musharax Jibriil ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dadka soo dhoweeyay ayaa watay sawiradiisa, isagoo gacan qaaday dadkii soo dhoweeyay, waxaa ka muuqatay kalsooni iyo dareen farxadeed.

Musharax Jibriil oo Wariyeyaasha kula hadlay garoonka diyaaradaha Baydhabo oo caawa ku hooydey BAYDHABA, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Baydhabo yimaado, isagoo ka mahad celiyay sida weyn ee loo soo dhoweeyay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: