Shariif Sheekh Axmed oo iska fogeeyay inuu wax ka ogaa Heshiiskii Badda ee Somaliya iyo Kenya

WAAJIDPRESS – 29 September 2016:

Madaxweynihii hore ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa wuxuu ka hadlay markii ugu horeysay Heshiiskii is afagaradka ahaa sanadkii 2009 dhexmaray Dowladaha Somaliya iyo Kenya, kaasi oo ku saabsanaa Badda Somaliya.

Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay inuusa waxba ka ogeyn Heshiiskaasi, islamarkaana xumaa iyo samaan wixii ka soo baxa wax laga weydiinaayo Ra’iisul Wasaarihii xilligaas iyo Wasiirkii Saxiixay Heshiiska.

Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay sababta xilligaan dooda badda loogu soo beegay inay tahay arimo ku aadan dhanka Siyaasada, isaga oo si adag meesha uga saaray inuu wax ka ogaa arimahaasi.

“Marka ugu horeysa heshiiska is fahamka ee la saxiixay, cid akhrisay ma idinku jirtaa, ma waxaa ku jirta Bad la iibiyay iyo Bad la bixiyay, waxaas oo dhan waa la siyaasadeeyay, Baddan marka aan imaanayay soo baxday oo dadka oo dhan la abaabulay maxay tahay, sheekadan siyaasad waaye, Ra’iisul Wasaaraha idin jawaabay, Wasiirka idin jawaabay, anigana maba arkin warqad lagu saxiixay iyo meel lagu saxiixay ma ogeyn, hadey fiican tahay, dadkaas is ka leh, hadey xumaatana ayagaa leh”ayuu yiri Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo la hadlay Tv-ga Somali Cable.

Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay heshiiskaasi inuusan cadeynin in Badda Somaliya la iibsaday, qofkii akhriyayna uu fahmaayo waxa dhacay inuu yahay Is afagarad dhexmaray labada Dowladood.

Dowladda Somaliya ayaa Maxkamada Caalamiga ah ee Hague geysay Dacwadda Badda Somaliya iyo Kenya, iyadoo Somaliya ku guuleysatay in Dacwadaasi ay ka jeediso maxkamada, xilli Kenya ay si adag arintaasi u diidaneyn in Hague ay aqbasho dacwadda.

Maxkamada Hague ayaa dhowr bil, kadib laga sugayaa inay soo saarto go’aanka rasmiga ah ee la xiriira dacwadda Badda Somaliya iyo Kenya u dhaxeysa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: