War deg deg ah: Wakiilkii IGAD u qaabilsanaa Soomaaliya Mr. Afey oo laga ceyriyey shaqadii uu ka hayey IGAD

WAAJIDPRESS – 1 October 2016:

Wakiilkii IGAD ee Arimaha Somaliya Danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa laga ceyriyey booskii uu KA hayey IGAD, isla markaana loo magacaabey Shaqo KA tayo yar tii hore ee uu Soomaalida ku kala qeybin jirey.

Mr. Afey ayaa loo magacaabay inuu noqdo Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Qaxootiga Somaliya, kaasi oo hoos taggi doona Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan UNHCR.

Danjire Afey ayaa qaban doono shaqada la socodka Qaxootiga Somalida ah, xilli Dowladda Kenya ay isku dayeyso inay si qasab ah dib ugu soo celiso Somaliya Kumanaan ruux oo Qaxooti ah, kuwaasi oo ku sugan Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Ujeedka ayaa ah hubinta badqabka ammaanka Dadka Qaxootiga ah, hadii ay ku sugan yihiin Somaliya iyo hadii ay joogaan Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Qaxooti badan oo Somali ah oo dib looga soo celiyay dalka Kenya ayaa ku rafaadsan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, kadib markii UNHCR ay soo celisay Qaxootigaasi, kuwaasi oo weli aanan haysan daryeel wanaagsan oo ay ku heli jireen Xeryaha Dhadhaab.

Qaxootiga ugu badan ee ku nool Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa ah Somali, kuwaasi oo dalka ka cararay wixii ka dambeeyay 1991, markii ay bur burtay Dowladii dhexe ee dalka ka talin jirtay.

Magacaabista Afey ee arimaha Qaxootiga Somalida ah ayaa la rajeynayaa inay wax ka bedesho qorshaha dib u soo celinta Qaxootiga Somaliya ee dalka Kenya, heshiiskaasi oo horay ay u kala saxiixdeen Dowladaha Somaliya, Kenya iyo Hay’ada UNHCR.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: