Agoontii uu ka Geeriyoodey Wariye Axmed Fardoole oo ku Dhibaateysan magaalada Muqdisho.

WAAJIDPRESS – 2 October 2016:

Iyadoo la ogyahay xaaladda Soomaaliya sida ay tahay ayaa Dhibaatada ugu daran waxay ilaa iyo hada haysataa Caruurta Ogoonta ah ee Aabayaashood ay Geeriyoodeen kuwaas oo ku nool Xaalad aad u adag oo qalafsan maadama aaney haysan damanad-qaad la xiriir dhinca noloshooda.

Maalin dhow ayaan booqdey Caruurtii uu ka geeriyoodey mid ka mid ah Weriyaashii magaalada Muqdisho, Maxamed Axmed Fardoole oo u shaqeynayey TV-ga Caalamiga ah ee Press TV waxaan halkaas ku soo arkey xaalad aad u daran oo ka muuqata caruurtaas Agoonta ah.
“Intii uu Aabahood u shaqeynayey caruutaan waxay ahaayeen kuwa ku noolaa Nolol wanaagsan”. sidaa waxaa tiri Caruurta Hooyadood Fartuun Cabdi Maxamuud Waxayna intaas ku dartay. “markii uu Geeriyoodey kadib caruurtani Maalin wax bay helaan oo waa ay quutan maalina waa ay waayan oo waa ay qadaan” Hooyo artuun oo sii hadashay ayaa sheegtey in markii uu Geeriyoodey Aabe Maxamed Axmed Fardoole ay Caruurtaasi waayeen Waxbarasho, Caafimaad iyo Adeegyada kale ee Bulshadda oo ay markii hore haysteen.
Ugu dameyn Hooyo …… waxay u soo jeedisey shacabka Soomaliyeed gaar ahaan bahda Warbaahinta, Ganacastada Ilaahey wax Siiyey, Haweenka, Siyaasiyiinta iyo Hayadaha Samafalka in ay Caawiyaan caruurta Agoonta ah oo maanta aad u liita, waxayna Hooyo Fartuun Cabdi Maxamuud si gaar ah Codsi ugu dirtey Qaybaha ka duwan ee Warbaahinta Soomaalida gaar ahaan kuwo Muqdisho oo uu fardoole ka mid ahaa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: