DHALINYARADA IYO GANACSATADA DIGIL IYO MIRIFLE EE KA SOO JEEDA DEEGAANKA CEEL-GARAS OO MAANTA SHIR LACAG URURIN AH KU QABTEY MAGAALADA GAROOWE EE PUNTLAND

WAAJIDPRESS – 1 October 2016:

Shir ay soo abaabuleen Dhalinyarada iyo ganacsatada reer ceelgaras ee ku dhaqan Puntlad ee Garoowe ayaa wuxuuka dhacay Hotel New-Rays Garoowe, shirkaas oo ula jeedkiisu ahaa sidii wax looga qaban lahaa Magaalada Ceelgaras ayna ugu horeeyso qoditan ceel biyood (RIIG) & dhinaca waxbarashada iyo Caafimaadka.

Dood dheer ka dib waxaa la isku af gartey sidii loo aruurin lahaa dhaqaale iyadoo isla goobtii lagu aruurshey dhaqaale, sidoo kale baaqa la gaarsiyo shirna ay qabtaan dhalinyarada ku kala nool daafaha aduunka iyo dalkabasida,baydhabo iyo muqdisho. waxaa shirka waxbixin dheerka bixiyey dhibaatada ka jirta ceelgaras iyo baahida loo qabo biyonadiif ah & waxbarasho iyo caafimaad Gudoomiyaha Kulunky elgaras Mudane Cabdikhayr Axmed Cali Malaaq,iyo Xubno ka tirsan Gudiga anshaxa Mudane Cabdulahi Adan Samow &Keerow Macalin Kalob.
Waxaa kale oo warbixin dheer ka soo jeediyey oo lagu dhageeystey hanti dhowrka guud Mudane Adankhayr Cabdule Du,uud oo sheegey in wax kasta oo soo gaara in si daacad ah uu u maamuli doono oo ala ka cabsi ah waxaa kale uu sheegey in dadka ku nool dibada looga bahan yahay kaalin fiican ay ka qataan degaankooda, waxaa kale oo meesha ka hadley marti sharaf badan oo ka soo qayb qashey, shirkana waxuu u dhacay sidii loogu tala galey.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: