War deg deg ah: Axmed Madoobe Oo Dalka Kenya Ku Ansixiyay In Ciidamada Liyu Boliska Kilinka Shanaad La Geeyo Gobolada Jubooyinka

WAAJIDPRESS – 2 October 2016:

Madaxwaynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan {Axmed Madoobe} ayaa magaalada Nairobi ee xarunta u ah Dalka Kenya ku saxiixay heshiis dhigaya in ciidamada Liyu Bolis-ka ee maamulka degaanka Soomaalida Itoobiya la keeno magaalada Kismaayo.

Heshiiska Axmed Madoobe ayaa dhamaystir u ah heshiis hordhac ahaa oo magaalada Jigjiga ay ku galeen Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxwaynaha degaanka Soomaalida ee Itoobiya Cabdi Ileey sida ay ilo lagu kalsoon yahay u sheegeen waaberionline.com.

Sida ay wararku sheegayaan ciidamadaasi ayaa sugi doona amaanka doorshooyinka heer gobol ee dhawaan ka bilaabanaya magaalada Kismaayo ee xarunta u ah Gobolka Jubada Hoose.

Arintan ayaa qayb ka ah qorshe balaaran oo Dowladda Itoobiya ay wado kuwaas oo ay ku doonayso in ay kula wareegto Gobolada Jubooyinka.

Waxaa jira dadaalo ay Dowladda Itoobiya ay ku doonayso sidii ciidamada Kenya gabi ahaanba looga saari lahaa meelaha ay uga sugan yihiin Gobolada Jubooyinka iyadoo loo adeegsanayo madaxwaynaha Soomaaliya iyo Axmed Madoobe oo mudooyinkan dambaba ay aad isugu dhawaayeen Itoobiya.

Dhinaca kale, IGAD Ayaa Wakiilkeeda Soomaaliya u magacawdey Gen. Gabre kaa soo ahaa booskii uu ka tagey Mr.Afey.

Magacaabista Gen Gabre ee wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa Itoobiya gacan wayn ka siin doonta in ay si wayn ugu milanto siyaasadda Soomaaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: