War deg deg ah: Gaari uu watay Sarkaal Millateri oo lagu qarxiyay Degmada Wadajir

WAAJIDPRESS – 2 October 2016:

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir qarax gaari ayaa goor dhaw wuxuu ka dhacay wadada ka soo baxday Warshada Nacnaca.

Gaarigaan oo uu watay Sarkaal ka tirsan Millateriga Dowladda Somaliya ayaa la qarxiyay, xilli uu maraayay meel u dhaw Xerada Rajo ee Degmada Wadajir.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Dabdamiska Gobolka Banaadir oo lagu magacaabo C/naasir, ayaa Dhacdo.com u sheegay in gaariga uu ka qarxay qaybta Darawalka uu fariisto.

Wuxuu sheegay ninkii watay gaariga oo lugaha ka bur buray, islamarkaana dhaawaciisa uu culus yahay meesha laga qaaday, loona qaaday goobaha caafimaadka.

Sarkaalkaan ka tirsan Millateriga ee la qarxiyay aynaan helin magaciisa, balse waxa ay sheegeen dadkii meesha ka agdhawaa gaariga inuu ka yimid dhanka Warshada Nacnaca, islamarkaana isaga oo socda mar un inuu qarxay.

Majiro Khasaare kale oo dhaawaca ah ama dhimasho ah oo ka dhashay Gaarigaasi, maadaama ruuxa watay kaliya uu saarnaa gaariga qarxay.

Kooxda Dabdamiska Gobolka Banaadir oo gaartay goobta gaariga uu ku qarxay ayaa ku guuleystay inay baqtiiyaan dabkii ka dhashay baabuurkaasi.

Shalay ayeey aheyd markii qarax gaari oo ka dhacay agagaarka Maqaayada Blue Sky ay ku dhinteen labo ruux oo shacab ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: