Akhriso then DAAWO VIDEO: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta Tegey Magalada Baydhabo Iyo Baydhabo oo Noqotey Meel Ay Iska Xaadiriyaan Musharixiinta Madaxweynenimo ee Somaliya

WAAJIDPRESS – 3 October 2016:

IMG_25F71E-AE3EC2-7EF674-7FD2ED-1AC877-689793

img_0981   013 023 043 053  1 4

Baydhabo – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi aad u balaaran uu Hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, iyagoo ku socdey 4 diyaaradood, isla markaana caawa ku hooyanayo magaalada Baydhaba.

Waxaa Wafdiga Madaxweynaha ka mid ah Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya kuwaas oo Madaxweynaha Socdaalkiisa ku wehlinaya , Siyaasiyiin, Wasiiro,  Xildhibaano iyo Aqoonyahano tiro badan oo ka SOO jeeda BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE, waxaana Wasiiradda ugu cad cad ee la socda Madaxweynaha ka mid ah Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti oo la sheego in Madaxweyne Xasan Sheekh Saaxiib dhow yihiin.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ee Dr. Shaati gaduud waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed SHARIIF Xassan iyo Labada gole ee Dowlad Goboleedka KOONFUR GALBEED.

U jeedka Socdaalka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu taageero ka helo iyo in uu u kuur galo qaabka ay u socdaan howlaha Soo xulista Baarlamaanka , waxaana Maamulka Koofur Galbeed la sheegaa in uu yahay meesha Xildhibaanada ugu badan ee Baarlamaanka ka imaanayaan .

Waa masuulkii afaraad ee u tartamaya jagada madaxweynenimo ee dalka somaliya oo gaara magalada baydhabo. DAAWO 2 Video kala ha labada Musharax ee Madaxweyne Xassan iyo Musharax Jabriil Cabdulle oo isagana ku sugan Baydhaba maanta:

Video – 1:  sida quruxda badan ee loo soo dhaweeyey wafdiga Madaxweyne Xassan, isagoo ku Hadley erayo AF-MAAY MAAYah iyo Khudbadii iyo su’aalo adag ay weydiiyeen Shacabka KOONFUR GALBEED, Wafdigana caawana ku hooyanaayo BAYDHABA :

 

Video – 2: Sidii Quruxda Badneyd ee loogu soo dhaweeyey Baydhaba Musharax Jabriil Cabdulle oo maanta 5 beri ku sugan Baydhaba:

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: