Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo maanta u wajahan Magaalada BAYDHABA

WAAJIDPRESS – 3 October 2016:

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay wehliyaan xubno katirsan labada Golle ee Dowlada Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Amaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana magaaladaasi saakay si weyn looga dareemayaa soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo xubnaha kale ee la socda.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo inta uu joogo kula kulmi doona masuuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Waxgaradka Baydhabo ku sugan iyo qeybaha kala duwan ee busldhada ku dhaqan magaaladaasi.
ujeedka Madaxweynaha Soomaaliya u tagayo Magaalada Baydhabo ayaa ah sidii uu taageero uga heli lahaa BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE , waxa uuna Madaxweynaha shaaciyay in uu mar kale u tartamayo xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxa uuna durba bilaabay ololihiisa doorashada.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa hadda waxa uu lasoo baxay awoodiisii lagu yaqaanay ee dhanka doorashooyinka, iyadoo hadda taasi ay bannaanka taallo.
Shariif Xasan waxa uu noqday shaqsi hadda loo doonto xilka madaxtinimo ee dalka, waxaana horay Baydhabo ugu tagey oo ilaa hadda ku sugan musharax madaxweyne Jibriil, halka maantana halkaasi ku wajahan yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: