Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari oo maanta Xafiiskiisa Waraaqaha Aqoonsiga kaga gudoomey Safiirka Cusub ee dalka Talyaaniga

WAAJIDPRESS – 4 OCTOBER 2016:

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa maanta xafiiskiisa kaga gudoomey Waraaqaha Aqoonsiga safiirka cusub ee Dowladda Talyaaniga ay u soo magacowday Soomaaliya Ambassador Carlo Campanile, kulankaas oo lagu falanqeeyay arrimo quseeyay labada dal.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen wada shaqeynta labada dal, gaar ahaan sidii loo mataaneyn lahaa Baarlamaanada labada dal ee Soomaaliya iyo Italy.

Kualnka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa in Dowladda Italy ay Soomaaliya ku soo wareejiso Taariikhaha iyo sharciyada Italy ay heyso ee la xiriira xilliyadii ay Dalka maamulayeen.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo safiirka cusub ee Dowladda Italy ay u soo magacowday Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa ay ka wada hadleen iskaashi laga sameeyo dhinaca waxbarashada si Ardayda Soomaaliyeed ay u helaan Deeqo la xiriiira dhinaca waxbarashada.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: