War deg deg ah: Qarax goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 4 October 2016:

Qaraxan, ayaa galabta ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, iyadoo goobta uu qaraxu ka dhacay ay gaareen ciidamada ammaanka.

Qaraxan, ayaa waxaa uu ka dhashay gaari nooca raaxada ah oo loogu soo xiray nin macalin ka ah Jaamacadda Plasma ee Degmada Hodan.

Macalinka oo wade ka ahaa gaariga, ayaa waxaa la socday dhawr ruux oo kale, iyadoona uu qaraxan kula qarxay, xilli uu ku sugnaa banjarle uu ka aariyeysanaayay gaariga.

Gudoomiyaha Degmada Hodan, Axmed Salaad Ibraahim oo gaaray halka uu qaraxu ka dhacay, oo ah xaafadda Sey Biyaano, ayaa sheegay inay ka qaadeen dhaawacyada afar ruux.

Gudoomiyaha, ayaa intaa ku daray in macalinkii gaariga lahaa ay ka go’een labada lugood, xaaladiisuna ay tahay mid garaab ah.

C/fitaax Cumar Xalane, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa si xoogan qaraxan ugu eedeeyay mintidiinta Ururka Al Shabaab. Waxaa uu sheegay inaanay jirin cid ay dhaafayan.

Afhayeenka oo la hadlay Dhacdo.com, ayaa tilmaamay in xoogaga ammaanka ay wadaan baaritaano la xiriira qaraxaasi, dibna ay ka soo faah faahin doonaan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: