War deg deg ah: Ergada Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe oo u Codeeyay in Magaalada Jowhar noqoto Caasimadda Mamaulkaas

WAAJIDPRESS – 4 OCTOBER 2016:

1-2-150x150

Shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo galay maalinkii Afaraad ayaa ergadu waxa ay ka doodeen maanta qabya qoraalka dastuurka dowlad goboleedka Hiiraan Sh/dhexe.

Ergada oo loo qeybiyay ilaa 5 koox ayaa dooddooda waxa ay ku saleysneeyd wax ka badalka qabya qoraalka dastuurka iyo dhameeystiirkiisu qodobada muhiimka ah oo ay ku jiraan Halka caasimadda u noqonayso dowlad goboleedka Hiiraan Iyo Sh/dhexe, Magaca dowlad goboleedka, astaanta iyo calanka maamulka.

Ergada ka qeybgalaysa shirka maamul u sameynta Sh/dhexe iyo Hiiraan oo cod u qaaday goor dhow maanta Halka ay noqoneyso Caasimada  maamul goboleedka labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan ,waxaana Ergadu ay isku raaceen in ay Caasimaddu noqoto Magaalada Jowhar.

Saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ayaa ergo ka socota beelaha labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa waxaa ay ka doodayeen dastuurka maamul goboleedka uu yeelanayo.

Qodobka 4aad ee cutubka 1aad ee qabya qoraalka dastuurka loo qeybiyay ergada ayaa waxaa ku qoran Magaalo madaxda iyo xarunta DGH&SHDH waxaana xubinta ugu horeysa ay ka codsanaysaa ergada inay soo buuxiyaan halka ay noqoneyso magaalada madaxda iyadoo qaabka loo qorayna uu yahay sidan;

1 Magaala Madaxda Dowlad Goboleedka DGH&SHDH waa…………….

Wararka shirka ayaa sheegaya in codka loo qaaday halka ay noqoneyso caasimada ay inta badan ergada shirka u codeeyeen magaalada Jowhar.

Ergada maamul usameynta labada gobol ayaa isla caawa isku raaceen in magaca cusub ee labada maamul uu noqdo HIRSHABEELLE

Hase yeeshee intii aanu shirkan furmin bartamihii sanadkii hore ayaa wareegto uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu ku sheegay in magaalada madaxda labada gobol ay tahay Buuloburte halka madasha shirana laga dhigay magaalada Jowhar.

Lama oga sida ay u dhaqan galayso in ergo ay bedelaan wareegto madaxweyne.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: