DAAWO: WAKIILKA QARAMADA MIDOOBAY EE SOOMAALIYA OO TAGAY MAGAALADA BAYDHABO

WAAJIDPRESS – 5 October 2016:

img_0993 img_0994 img_0995

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay ayaa maanta tagay magaalada Baydhabo oo xarun kumeel gaar ah u ah maamulka Koofur Galbeed uu madaxweynaha ka yahay Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating.

Wafdiga waxaa magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulkaasi.

Ujeedada wafdiga ee magaalada Baydhabo ayaa la sheegayaa iney la xiriirto arimaha doorashooyinka ee ka dhacaya magaalada Baydhabo iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Baydhabo waxaa shalay kasoo laabtay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana madaxweynaha uu sheegay in arimaha doorashada uu u tagay magaalada.

Magaalada Baydhabo ayaa leh ahmiyad weyn, maadaama laga soo xulayo xildhibaanada ugu badan ee sanadkaan ka qeyb noqonaya baarlamaanka Soomaaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: