War deg deg ah: DAGAAL U DHAXEEYO PUNTLAND IYO GAL-MUDUG OO GAL-KACYO KA BILOWDEY

WAAJIDPRESS – 7 October 2016:

Dagaal hubka noocyadiisa kala duwan leesku adeegsanayo, ayaa saakay ka soconaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoo uu u dhaxeeyo maleeshiyaad kala taabacsan Maamulada Galmudug & Puntland.

Dagaalka ayaa hadda waxa uu ka socdaa xaafada Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo waxaana la maqlayaa daryanka rasaasta noocyadeeda kala duwan.

Goobjooge degan xaafadda Garsoor, ayaa WAAJIDPRESS u sheegay in gaadiidka dagaalka ay ka qayb qaadanayan dagaalka ka soconaya dhabarka dambe ee xaafadaasi.

Dadka rayidka ee deegaanka, ayaa waxay qaarkood bilaabeen in ay isaga cararaan guryahooda, ka dib markii uu saamayn ku yeeshay hubka leesku adeegsanayo dagaalka.

Dagaalka ka soo cusboonaaday Xarunta Gobolka Mudug, ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa, xilli maalmihii la soo dhaafay ay xurguf ka dhex oogneyd Puntland & Galmudug.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: