War deg deg ah: Guddomiyihii magaalada Kismaayo & qaar ka mid ah ilaaladiisa oo xabsiga la dhigay

WAAJIDPRESS – 7 October 2016:
Gudoomiyaha magaalada Kismaayo, Ibraahim Maxamed Yuusuf (Timajilic) iyo afar ka mid ah ilaaladiisa ayaa la sheegayaa iney xabsiga dhigeen ciidamada maamulka Juballand.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay u dhaceen hoyga gudoomiyaha ayna sidoo kale soo qabteen laba nin oo la sheegay iney ahaayeen qurbajoog Gudoomiyaha marti u aheyd.

Maamulka Juballand kama hadlin sababta keentay xariga gudoomiyaha balse wararka qaar ayaa sheegaya in lagu eedeynayo inuu taageeray mid ka mid ah labo ciidan oo xalay ku dagaalamay magaalada Kismaayo.

Xarigan ayaa daba socda dagaal xalay ka dhacay magaalada Kismaayo kaasoo dhexmaray ciidamada Booliska iyo Nabad Sugida Maamulka Juballand.

Dagaalka ayaa Salka ku hayay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska oo ay xireen ciidanka Nabad Sugidda kaasoo lagu soo qabtay Howlgal Magaalada Kismaayo laga sameynayey.

Booliska ayaa dalbaday in la sii daayo askariga ay xireen ciidamada Nabad Sugidda, balse saraakiisha nabad Sugidu waxay sheegeen inay baarayaan taasoo sababtay dagaal.

Dadweynaha Kismaayo ayaa hadal haya dagaalka culus ee xalay ka dhacay xaafadaha Calanley iyo Faanoole ee magaaladaas oo illaa hadda aan la ogeyn khasaraha ka dhashay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: