War deg deg ah: Dagaal markale Maanta dib uga qarxay Magaalada Galkacayo oo u dhaxeeya Maamulada PUNTLAND iyo GALMUDUG

WAAJIDPRESS – 8 October 2016:

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in dib Magaaladaasi uu kaga qarxay dagaal u dhaxeeya Ciidamada Galmudug iyo ciidanka Maamulka Puntland.

Dagaalkaan oo goor dhaw qarxay ayaa la soo warinayaa in dhinacyada dagaalamaya ay isku adeegsanaya hub culus oo si weyn looga maqlaayo magaalada Gaalkacyo gudaheeda.

Wararka waxa ay sheegayaan in dagaalka uu xoogiisa ka socdo Xaafada Bardaale oo xigta dhanka Maamulka Puntland, iyadoo labada dhinac ay soo kala gaarayaan ciidamo gurmad ah oo dhinacyada kala taabacsan.

Xaalada Magaalada Gaalkacyo oo aanan caga badan ku taagneyn markii horeba, ayaa labada dhinac mar kaliya ay fooda isdareen, kadib markii Barqadii maanta rasaas goos goos ah ay isku rideen dhinacyada dagaalka uu u dhaxeeyo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: