War deg deg ah: Qarax ka dhacay agagaarka Wasaarada Gaashaandhiga iyo hoobiyeyaal lagu garaacey Muqdisho

WAAJIDPRESS – 8 October 2016:

Muqdisho —Ugu yaraan labo Askari ayaa ku dhaawacmay Qarax nuuciisa aan weli la shaacin oo ka dhacay nawaaxiga Wasaarada Gaashaandhiga ee Dowladda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay meel ku dhow Wsaarada Gaashaandhiga oo ay fadhiyeen Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida goobjooge uu u sheegay Idaacaddaha.

Dhaawaca labada Askari ayaa lagu soo waramayaa in loo qaaday Isbitaal, si halkaasi xaaladooda caafimaad loogu soo dhibaabo.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin Qaraxa la sheegay in uu ka dhacay nawaaxiga Wasaarada Gaashaandhiga ee Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Dhowr madfac oo ah kuwo loo yaqaano hoobiyeyaasha ayaa goor dhow ku soo dhacay xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicdan ay ku dhaceen xaafada Buul xuubey oo ka tirsan degmada Wadajir gaar ahaan agagaarka halka loo yaqaano Macruuf.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Ambalaaska ayaa goobtaas gaaray, iyadoo wararku sheegayaan iney soo qaadeen dad ku dhaawacmay duqeynta ka dhacday xaafada Buulo xuubey welina ma cadda khasaaraha nafeed ee shacabka halkaas ku nool soo gaaray

Lama oga illaa hadda goobta laga soo tuuray madaafiicdan iyo halka bartilmamaeed-koodu ahaa, waxayna ku soo aadayaan xili caawa howlgalo xoogan ay ka socdaan xaafado ka tirsan Muqdisho kuwaasoo ay sameynayaan ciidamada dowlada.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: