War deg deg: DAGAAL CULUS OO MAANTA GALKACAYO QARXEY UNA DHAXEEYA MAAMULADA GALMUDUG IYO PUNTLAND

WAAJIDPRESS – 10 October 2016:

Dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland kaasoo salaadii maqrib ka hor dib uga bilowday galbeedka magaalada Gaalkacyo oo maalmahanba xiisad colaadeed ay ka aloosneyd.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu sii xoogeystay oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan Hubka nuucyadiisa kala duwan, sida ay Warbaahinta u sheegeen Dad Goobjoogayaal ah.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo soo kala gaaray labada dhinac iyo sidoo kale dad shacab ah.

Dagaalkaani hadda socda ayaa burburiyay wada hadaladii u dhaxeeyay Waxgaradka Maamulada Puntland iyo Galmudug, maadaama Dagaalkooda markale uu ka Qarxay Magaalada Gaalkacyo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: