Ciidamada Dowladda oo Joojiyay Shir Odayaasha Reer Hiiraan uga socday Baledweyne

WAAJIDPRESS – 11 October 2016:

Ciidammo ka tirsan maamulka dowladda Soomaaliya ayaa subaxnimadii hore ee saakay la geeyay Baar Xasssan Dhiif oo ah halka uu ka socda shirka dhismaha maamulka Hiiraan State.
Milkiiyaasha Baarka qaarkood oo aan la hadlnay ayaa inoo sheegay in ay mar kaliya ka war helleen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo isku gadaamay xarunta maxaaqida, kuwaa oo fariisin ka sameystay gaar ahaan goobtii inta badan shirarka lagu qaban jiray.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka gobolka Hiiraan oo la xiriira ciidammada saakay la geeyay Baar Xassan Dhiif.
Maalintii shalay ayeey aheyd markii tiro ka badan 400 oo ergo ah halkaa ku ansixiyeen dastuurka uu yeellanayo maamulka gobolleedka Hiiraan State, lamana oga sidda dhismaha maamulkan uu ku sii socon doono.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: