Ciidamada Itoobiya iyo Dowladda oo isaga baxay deegaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan

WAAJIDPRESS – 11 October 2016:

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federalka Somaliya ay saaka aroortii isaga baxeen deegaankaasi, kadib markii xalay tiro Madaafiic ah Ururka Shabaab ay ku garaaceen Saldhigii ciidamada Itoobiya ee deegaankaasi.

Ciidamada Itoobiya oo wata dabaabaadka dagaalka ayaa saaka aroortii u dhaqaaqay dhanka wadada aada Xuduuda ay wadaagaan Ismaamulka Somalida dalka Itoobiya iyo Gobolka Hiiraan, halka ciidanka Dowladda ay u dhaqaaqeen dhanka Magaalada Baledweyne.

Qof ku sugan Deegaanka Ceel Cali, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Itoobiya ay ka baxeen deegaankaasi, kadib markii xalay Madaafiic Saldhigooda lagu soo garaacay.

Guddoomiyaha Deegaanka Ceel Cali Yarow Cumar Abiikar oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa wuxuu sheegay saddex Madaafiic ah Shabaab inay xalay ku soo garaaceen Saldhiga ciidamada Itoobiya ee deegaanka Ceel Cali.

Yarow Cumar Abiikar ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee deegaanka Ceel Cali, waxaana uu sheegay Madaafiicda Shabaabka ay ku soo tuureen deegaanka Ceel Cali wax Khasaare ah inaysan ka dhalan.

Ilaa hada ma cadda sababta rasmiga ah ee ciidamada Itoobiya ay uga baxeen Saldhigii ay ku lahaayeen Deegaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan, masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan weli arintaan kama aysan hadlin.

Ciidamada Itoobiya ayaa horay isaga baxay deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud iyo Gobolka Hiiraan, waxaana deeganadaasi dib ula wareegay ciidamada Ururka Al Shabaab.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: