Magaalada Gaalkacyo oo si wayn looga barakacay

WAAJIDPRESS – 11 October 2016:

Shacabka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo, ayaa xalay si wayn uga barakacay magaaladaasi, ka gadaal dagaalkii gelinkii dambe ee Isniintii ka soo cusboonaaday Xarunta Gobolka Mudug.

Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa soo gaaray gurmad xoogan oo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana la leeyahay taasi ayaana dadka ku khasabtay inay ka cararan guryahooda.

Axmed Cali Xasan oo ka mid ah dhalinta reer Gaalkacyo, ayaa ku waramaya in labada maamulba ay ciidan lixaad lihi soo geliyen Gaalkacyo, isla-markaana ay dadka ku dhalisay inay barakacan.

Axmed Cali, ayaa yiri “Ka dib dagaalkii shalay galab ka bilowday magaalada, ayaa waxaa la arkay ciidan lixaad leh oo labada maamulba ay xalay soo geliyeen Gaalkacyo, waxayna sii kordhisay cabsidii ay dadku qabeen.”

“Dadku waxay bilaabeen sagaalkii fiidnimo ee xalay inay ka wada barakacaan Koonfurta iyo Waqooyigaba. Waxaan dhihi karaa Gaalkacyo waxaa looga barakacay si ka daran, sidii sanadkii hore.”

“Gawaarida nooca xamuulka iyo noocyada kale ee gaadiidka, ayay dadku uga barakaceen magaalada. Qof qof ayaa looga tagey guryaha, si ay u ilaaliyan.”

“Walaale dadku waxay ka cararayan in lagu dul dagaalamo, waxay u muuqdan kuwo ka fogaanaya xabadda. Deegaanada ku dhow dhow Gaalkacyo ayay dadku gaarayan.”

Nabadoon Sugule Yuusuf Warfaa oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Gaalkacyo, ayaa xiisadda ku soo korortay Gaalkacyo ku sheegay arrimo siyaasadeed.

Nabadoon Sugule oo cambaareeyay dagaalka ka soo cusboonaday Magaalada Gaalkacyo, ayaa Galmudug iyo Puntlandba ku eedeeyay inay dhibaato u horseedayan shacabka reer Gaalkacyo.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu joojiyo xiisadda ka aloosan Xarunta Gobolka Mudug, wixii khilaaf ahna wada hadal lagu xaliyo.

Si kastaba ha-ahaatee waxaad mooddaa inay fashilmatay dadaaladii iyo waan-waantii, ay Odayaasha Gaalkacyo ku doonayen in ay ku kala qaadaan labada ciidan, ee isu horfadhiya galbeedka magaalada.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: