DEG DEG: Dagaal Culus oo dib uga qarxay Degaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud

WAAJIDPRESS – 12 OCTOBER 2016:

Dagaal Xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Galmudug iyo kuwa Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna ayaa waxuu markale dib uga qarxay Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii Ciidamo uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen Degaanka Godinlabe.

Duhurnimadii maanta ayaa waxaa kasoo ambabaxay Magaalada cadaado kolonyo gaadiid ah oo uu wato madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi kariin xuseen Guuleed oo usoo dhaqaaqay dhanka Deegaanka hada lagu dirirayo.

Wafdiga Madaxweyne Guuleed waxaa qeyb ka ah Kuxigeenkiisa Maxamed Xaashi carabeey, xubno ka tirsan labadiisa gole iyo Saraakiil Ciidan.

Guuleed oo u muuqday inuu u diyaargaroobay dagaal ka dhan ah Ciidan ahlu-suna ayaa durbaba marka uu gaaray nawaaxiga deegaanka Godinlabe Ciidankii uu watay ku amray iney dagaal ku galaan deegaanka si Ahlu-Suna looga saaro.

Ciidanka Galmudug ayaa ku adkaatay iney si fudud ku jiiraan Difaacyada Ciidanka Ahlu-Suna oo aad isku soo hubeeyay kadib amrkii ay qabsadeen deegaanka.

Xiligan ayaa waxaa ku dhaceyso deegaanka Madaafiic xoogan iyadoo Ahlu-Suna dhankoodana ay bixinayaan Jawaab Xoogan.

Si rasmi ah wlai looma kala cadeyn  karo Khasaaraha ka dhashay Madaafiicda ay is-weydaarsanayaan dhinacyada ku diriraya Gobolka Galgaduud gaar ahaan Godinlabe

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: