War deg deg ah: Shabaab oo Deegaanka Ceel Cali ee gobolka Hiiraan ku gowracay afar qof oo middi Oday yahay iyo Dhageyso Gudoomiyaha degmadani oo sheege in dadkii la barakiciyey

WAAJIDPRESS – 12 OCTOBER 2016:

Ururka Al Shabaab oo shalay un qabsaday Deegaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan, kadib markii ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda ay halkaasi isaga baxeen, ayaa Shabaabka waxa ay ku dhaqaaqeen fal naxdin leh oo Bulshada Deegaanka argagax geliyay.

Dagaalyahanada Shabaabka ayaa bilaabay qab qabashada dad ay ku eedeeyeen inay xiriir wadashaqeyn ah la lahaayeen ciidamadii Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federalka Somaliya ee ka baxay Magaaladaasi, iyadoo dad qaarna ay qaleen/Gowraceen Shabaabka.

Afar ruux oo mid ka mid ah uu yahay Nin Oday ah oo Deegaanka Ceel Cali si weyn looga yaqaano ayeey Shabaab gowraceen, kadib markii dadkaasi ay ku eedeeyeen inay gacan saar la lahaayeen Ciidankii ka baxay Magaalada.

Dadka Shabaabka sida arxandarada ah u gowraceen ayaa magacyadooda waxa ay kala yihiin Abwaan Xaaji Cabdi Wahaab Buurfuule, Maxamed Xaayow Aadan, Nabadoon Biriq iyo ruux kale o Afaraad oo weli aynaan helin magaciisa.

Abwaan Xaaji Cabdi Wahaab Buurfuule  ayaa ahaa nin Tabliiq ah oo aanan shaqo ku laheyn arimaha Siyaasada ka taagan Somaliya, balse Shabaabka oo inta badan aanan ka fiirsan ficilada ay ku kacaan ayuu ku baxay gacantooda.

Falkaan oo si weyn looga hadal haayo deegaanka Ceel Cali, ayaa dadka waxaanay awood u laheyn inay muujiyaan dareenkooda ku aadan ficilka foosha xun ee Shabaab ay ku kaceen, iyaga oo ka cabsi qaba tallaabooyin kale oo Shabaabka ay qaadaan.

Saldhiga Deegaanka Ceel Cali waxaa ku xiran dad badan oo Shabaab ay ku eedeeyeen inay wada shaqeyn la lahaayeen ciidamada Dowladda iyo kuwii Itoobiya ee ka baxay Deegaankaasi.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha deegaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan Abiikar Yaroow Cumar ayaa sheegay in Al-Shabaab ay xer xereen Haween fara badan iyo Caruur markii ay gudaha usoo galeen deegaankaasi.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay barakaceen dadkii daganaa deegaankaasi intooda badan maadaama Al-Shabaab ay gudaha usoo galeen deegaanka.

 

Dhageyso: Gudoomiyaha Deegaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan:

 

 

gudoomiyaha-deegaanka-ceel-cali-ee-gobolka-hiiraan-mobil

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: