War deg deg ah: Dagaal xoog leh oo maanta markale ka qarxay Magaalada GALKACAYO ee gobolka MUDUG

WAAJIDPRESS – 12 October 2016:

Gaalkacyo– Dagaal u dhexeeya Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ka socda Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Dagaalka oo Illaa Saakay ahaa mid labada dhinac ay Rasaas isku tuur tuurayaan ayaa markii Dambe Labada Dhinac ay isku adeegsadeen Madaafiicda Culculius.
Waxaa jira Dad rayid ah oo Madaafiicdu ay ugu tageen Xaafadahooda, kuwaas oo uu soo gaaray Dhaawacyo kala duwan.
Isbitaalka Koofurta Gaalkacyo ayaa naloo xaqiijiyay in la geeyay ku dhawaad 10 Ruux oo Rayid ah, kuwaas oo ku dhaawacmay Madaafiicda.

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegtay in dagaalo abaabulan oo saddex geesood ah lagu soo qaaday deegaanada ay maamusho ee Mudug iyo Galgaduud.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan (Masagaway) ayaa war saxaafadeed uu caawa soo saaray ku sheegay in Maamulka Puntland iyo Kooxda Ahlusuna oo is-kaashanaya ay duulaan ku soo qaadeen deegaanada Gaalkacyo, Mir-cowleed iyo Godinlabe oo ka kala tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

“Dowlad Goboleedka Galmudug waxay cadeyneysaa in dagaallo abaabulan oo sadex geesood ah oo ka kala soconaya deegaanada Gaalkacyo, Mir-cowleed iyo Godinlabe ee ka kala tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud. Dagaaladaas abaabulan waxaa nagu soo qaaday oo isku bahaysanaya Maamulka Puntland iyo kooxda Ahlu-Sunnah, ujeedaduna ay tahay in lagu wiiqo nabadda iyo xasilloonida dadka iyo deegaanka Galmudug”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Galmudug.
Sidoo kale Isbitaalka Waqooyiga Gaalkacyo ayaa iyana la dhigay Dad Rayid ah oo Duqeynta ku dhaawacmay,inkastoo aan tiradooda la sheegin.
Dhanka kale, Weli lama Oga Khasaaraha soo kala gaaray Ciidamada Labada Maamul ee Galbeedka Magaalada ku dagaalamaya.
Sidoo kale waxaa jira Barakac ay sameynayaan Dadka ku nool Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: