Akhriso then DAAWO: GUDOOMYE JAWAARI OO LA KULMAY ODAYAASHA JOWHAR ISLA MAANTANA FUREY KALFADHIGII 1’aad ee BAARLAMAANKA hirshabeele

WAAJIDPRESS- 13 October 2016:

Khudbad uu ka jeediyey Munaasabadda doorashada kadib ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ku ammaanay dadaalka iyo dhabar adeyga ay muujiyeen odayaasha iyo waxgaradka labadan gobol sidoo kalena Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo urur goboleedka IGAD ayuu bogaadiyey dadaalka ay ku bixiyeen dhismaha maamulka Hirshabelle waxaana uu u hambalyeeyey Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle ee la doortay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa uu ugu baaqay Baarlamaanka maamulka Hirshabelle oo hada howsha dhameystirka dhismaha maamulka ay hortaallo iney ka shaqeeyaan sidii loo qancin lahaa qof kasta oo ka maqan madashan ee wax tabanaya waxaana uu u rajeeyey iney ku guuleystaan howshooda, tallaabadanna ay muujineyso sida ay Soomaaliya uga go’an tahay hirgelinta nidaamka Federaalka.

Dhinaca kale Guddoomiye Jawaari ayaa kulammo gaar gaar ah kula qaatay magaalada Jowhar odayaasha iyo waxgaradka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe qaarkood iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana kulammadaasi dhammaantood ay ahaayeen kuwo uu ku dhageysanayey qeybaha bulshada isaga oo xaafadaha qaarna ku booqday waxgaradka -DAAWO:

 

img_1013 img_1015 img_1016 img_1017 img_1018

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: