War deg deg ah: PUNTLAND OO MAANTA KU DHAWAAQDEY IN CIIDAMADA DOWLADA FEDERAALKA IYO GALMUDUG AY SOO WEERAREEN DEEGAANADA PUNTLAND

WAAJIDPRESS – 13 OCTOBER 2016:

Garowe–  Shir Golaha wasiiradda Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ay ku yeesheen Magaalada Garowe ayaa looga hadlay Arrimo ay ka mid yihiin Dagaalka Magaalada Gaalkacyo.
Shirka wasiiradda Puntland waxaa Shir Guddoominayay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxmed Cali Gaas,waxaana War-murtiyeed ka soo baxay Shirka Golaha wasiiradda Puntland lagu sheegay in aysan jirin Ciidamo Qaran oo Dalka Soomaaliya leeyhaay islamarkaana ka dhexeeya Soomaaliya.
War-murtiyeedka ka soo baxay Puntland ayaa lagu Xusay in Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ay qeyb ka yihiin Dagaalka ka socda Magaalada gaalkacyo islamarkaana ay ku Garab yihiin Maamulka Galmudug.
“Shirarkii Madasha ee dhacay Xilliyo kala duwan ayaa Dhowr jeer looga hadlay in ay Muhiim tahay in la helo Ciidamo Qaran oo Soomaali oo dhan ka dhexeeya”ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay Puntland.
Hadalkaan ayaa imaanaya Xilli Xukumadda Soomaaliya ay sheegtay in ay geynayaan Galkacayo Ciidamo kala dhex dhigeyso Puntland iyo galmudug si dagaalka loo joojiyo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: