War deg deg ah: Dagaalkii ugu culsnaa oo hadda ka socda Gaalkacyo

WAAJIDPRESS – 15 OCTOBER 2016:

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in hada halkaasi uu ka socdo Dagaal u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu ku bilowday kadib markii xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Galmudug ay sii korortay, taasina ay sababtay in labada dhinac saakay halkaasi ay ku dagaalamayaan.

Dagaalkana ayaa la sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan Hubka nuucyadiisa kala duwan, uuna yahay mid aad u culus sida ay sheegayaan Dadka Deegaanka.

Puntland iyo Galmudug ayaa Ciidamo Farabadan Saaka Geeyey Magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka caawa socda ayaa waxa uu ka duwan yahay dagaaladii hore waxa ayna labada dhinac isku adeegsanayaan Hubka waaweyn.

Labada dhinac ayaa marba koox looga itaal roonaanayaa dagaalka, waxaana xusid mudan in Hubka ugu badan ee caawa leysu isticmaalaayo uu yahay nooca culus.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka biya diidan waan-waan ay maanta bilaabeen waxgaradka labada dhinac, waxaana adag in halkaasi laga helo xog rasmi ah oo muujin karta khasaaraha dagaalka.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacaayay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dhinaca kale, Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay dibadbax aad u ballaaran oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

Dibadbaxayaasha ayaa u muuqda kuwa ka soo horjeeday dadaalada uu Ra’iisul Wasaaruhu xal ugu raadinayo Xiisadda Gaalkacyo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: