DAAWO HEES KA HADLEYSA WAXQABADKA SHARIIF XASSAN then Akhriso: MADAXWEYNAHA KGS SHARIIF XASAN OO LA FILAAYO INUU KU DHAAWAAQO INUU YAHAY MUSHARAX MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

WAAJIDPRESS – 17 OCTOBER 2016:

img_1027

img_1026

 

 

Baidoa – Sida ay sheegayaan warar hoose oo ku dhaw dhaw Madaxtooyada Maamulka Koofur galbeed Somalia, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo uu kaga dhawaaqi doono inuu yahay Musharax u tartamaya Xilka Madaxweyne ee Soomaaliya doorashada la filayo in ay dhacdo Bisha November ee Sanadkan.

Madaxweyanaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa u muuqda waqtigaan xaadirka inuu haysto taageerada beelaha Digil & Mirifle, Beesha 5aad iyo Beelaha Direed iyo qaar badan oo ka mid ah beelaha Hawiye & Daarood gaar ahaan kuwa loo yaqaan “Class C” oo iyaga si aad ah uga soo daaley mudaddii 56 sano oo ay dalka u talinayeen beelo gaar ah oo ka soo jeeda beelaha Hawiye & Daarood, kuwaasoo hadda naf ahaantooda dareemey in ay yihiin caqabada hor taagan nabadda iyo wadajirka Soomaaliya.

Musharax Shariif Xasan iyo isbaheysigiisa siyaasada ee doorashada la filaayo in dalka ka dhacdo dhamaadka sanadkaan ayaa waxay qorsheynayaan in beelaha Hawiye iyo Daarood gaar ahaan kuwooda loo yaqaan CLASS C oo aan weligood helin wasiiro macno leh ama aan qaban jagooyinka sare ee dalka sida Gaaljecel, Xawaadle, Ogaden, leylkase, Murursade, Ortable iyo kuwa la midka ah ay u tartamaan kursiga aqalka Hoose ee barlamaanka Somalia.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: