Ciidamada Dowladda oo dib ula wareegay qaybo ka mid ah Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose

WAAJIDPRESS – 18 OCTOBER 2016:

Saaka ayay ahayd, Markii Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa waxay qabsadeen inta badan xaafadaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, ka dib dagaal ballaaran oo galabta ay ku soo qaadeen.

Ururka Al Shabaab, ayaa dhawr jiho ka soo weeraray Degmada Afgooye, wax yar uun ka dib, markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray Saldhiga Degmada.

Ciidamada Koonfur galbeed ee DIGIL IYO MIRIFLE iyo kuwa Dowladda Somaliya, ayaa waxay caawa dib ula wareegeen qaybo ka mid ah Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, ka gadaal markii ay ka baxeen Xoogaga Ururka Al Shabaab.

Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ee Digil iyo Mirifle, ayaa waxay dib ula wareegeen Saldhiga Booliska, Xarunta Maamulka Degmada iyo goobo kale. Ciidamada Dowladda ayaa dib u qabsaday Saldhiga Booliska, xilli ay dib qabadsiiyeen Shabaabka.

Tallaabada ay Shabaabku uga baxeen goobahaasi, ayaa waxay ka dambeysay markii gurmad xoogan oo isugu jira Ciidamada Koonfur Galbeed, kuwa Dowlada iyo Amisom, ay gaareen Degmadaasi.

Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa waxay iminka ku sugan yihiin xaafdaha Dhagaxtuur, Damaaley iyo aagga Suuqa wayn ee Afgooye oo loo yaqaano (Hiliwaaley).

Ciidamada Koonfir Galbeed iyo kuwa Dowladda Somaliya iyo kuwa Amisom, ayaa waxay hadda ku sii siqayan goobaha ay Shabaabku kaga sugan yihiin Degmada Afgooye.

Suxufiyiinta Degmada Afgooye, ayaa soo sheegaya in rasaas teel teel ah laga maqlayo xaafadaha ay weli ku harsan yihiin mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Ibraahim Aadan Cali (Najax), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in Ciidamada Koonfur Galbeed oo gacan ka helaaya Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ay dib ula wareegeen Degmadaasi, sida uu yiri.

Gudoomiyaha, ayaa wuxuu intaa ku daray in Ciidamada Koonfur Galbeed iyo Kuwa Dowladda iyo Amisom, ay Degmadaasi Afgooye ka wadaan hawlgal amni xaqiijin ah.

Dhinaca kale dagaalkan, ayaa sababay dhimashada in ka badan laba iyo toban qof oo u badan dhinacyadii dagaalamay iyo dhaawaca tiro intaasi ka badan.

Dadka dagaalka lagu dilay, ayaa waxaa ka mid ah Isu duwihii Maaliyada ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Daahir Qooley iyo Korneyl Axmed Cabdulle Gorod oo ka tirsanaa Saraakiisha Booliska.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: