SHARIIF XASAN OO MAALINTA JIMCAHA KAGA DHAWAAQAYA BAYDHABO INUU YAHAY MUSHARAXA MADAXWEYNAHA SOMALIA

WAAJIDPRESS – 18 OCTOBER 2016:
img_1027

Baidoa – Waxaa magaalada Baydhabo oo xarun u ah maamulka Koonfur Galbeed Somalia ka socota qabanqaabo balaaran oo uu madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheeikh Aadan si rasmi ah u shaacin doono inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo ku biiri doona ololaha doorashada dalka ee haatan ay wadaan qaar ka mid ah madaxda dowlada Soomaaliya ee uu ugu horeeyo Madaxweynaha xilkiisu dhamaadey Xasan Sheekh Maxamuud & R/Wasaarihiisa Cumar C/rashiid Cali Sharmaake.

Shariif Xasan oo isbuucii la soo dhaafey oo dhan magaalada Muqdisho u joogey wada tashi ku aadan musharaxnimadiisa isla markaasna ay halkaasi isku soo arkeen siyaasiyiin ka soo jeeda beelaha kale ee Soomaaliyeed, ayaa waxaa maalintii Axadda aheyd (10/17/2016) uu dib ugu soo laabtey Baydhabo, halkaasi oo uu isla markiiba ka bilaabey shirar joogto ah oo uu la leeyahay siyaasiyiin ka soo jeeda beelaha KGS oo isugu jirta wasiiro, xildhibaano hore iyo kuwa kale oo laga ayaabo iney ka mid noqdaan xubnaha labada aqal ee barlamaanka cusub iyo sidii taageero buuxda u siin lahaayeen olalaha doorashadiisa ee hogaanka ugu sareeya ee dalka.

Musharaxnimada Shariif Xasan Sheikh Aadan waxay meesha ka saareysa isla markaasna mugdi galisey damacyadii ay qabeen musharaxiinta badi ka soo jeeda beesha mudulood oo iyagu sida aad ah ugu xisaabtamaayey codadka beelaha Digil iyo Mirifle gaar ahaam musharaxiinta kala ah:
1. Mushrax Xasan Sheikh Maxamuud
2. Musharax Sheikh Shariif Sheikh Axmed
3. Jibriil Ibraahim Cabdulle
Qorshaha cusub ee Beelaha Digil & Mirifle iyo Shariif Xasan Sheikh Aadan ku doonaayaan Villa Somalia ayaa soo bilowdey sanadkii 2012, waxaana hadda muuqata inuu ku socdo dardar xoog leh iyo taageero uu ka helaayo beelaha loogu yeero Class B and C ee aan iyagu waligood helin mudnaanta xilalka ugu sareeya ee dalka. Sidaasi darteedna ay suurtogal tahay in doorashada madaxtinimada ee sanadkaan 2016 ay ka duwanaano kuwii hore loo arki jirey, ayna keeno isbedel ku aadan hogaanka dalka iyo Villa Somalia.

Caqabada ku hor gudban Musharaxiinta kale ee Olalaha Doorashada Dalka:
– Beelaha Hawiye & Daarood oo aan waligood helin mudnaantii ay lahaayeen oo iyagu markaan doonaaya in ay helaan Kursiga Barlamaanka oo aad isu soo tareysa, waxaana safka hore uga jira oo kala ah: – Murursade, Xawaadle, Gugudhabe, Dhulbahante, Ogaadeen, Leylkase, & Mareexaan.

Madaxweynaha Xilkiisa dhamaadey Xasan Sheekh Maxamuud iyo musharax Jibriil Cabdulle ayaa labduba waxay ku guul dareysteen safar ay dhowaan uu ku tageen Baydhabo oo is xigay kaasoo uu taageero ugu raadinaayeen ololahooda dooraashado ee dalka, isla markaana ku hungoobey isbaheysi siyaasadeed oo uu Shariifka la galo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: