War cusub: Nin Kenyan ah oo 10-sano oo Xabsi ah lagu xukumay, kadib markii lagu eedeeyay inuu Somaliya u safray

WAAJIDPRESS – 19 OCTOBER 2016:

Simon Karuga Gitau , oo 32-jir ah ayaa lagu xukumay 10 sano oo Xabsi ah kadib markii Maxkamadda ay ku eedeeysay in uu u safray Somaliya, doonayayna in uu ku biiro Al-shabaab.

Ninkan ayaa la xiray 13-kii Septembertii la soo dhaafay,waxaana gacanta ku dhigay dadka deegaanka ee dhinaca Somaliya,kuwaas oo ku wareejiyay Booliska Somaliya,iyagana ay dib ugu sii wareejiyeen Ciidanka Kenya ee Mandheera jooga.

Simon,Qareenkiisa ayaa ku dooday in uusan u socon Somaliya ee uu doonayay in uu ka shaqeysto Mandhera,laakiin garsooraha Maxkamadda ayaa ku caddeeyay in 8-KM gudaha Somaliya laga soo qabtay.

Qareenku waxaa uu sheegay in uu raadinayay Guri raqiis ah oo uu ka kireysto Mandhera maadaama maalintiiba ay ka baxayesay 200 Shilinka Kenya ah,uuna raadinayay Guri uu bishii ku kireysto 400 oo Shilinka Kenya ah.

Kenya ayaa sheegtay in qof kasta oo kenyaan ah una safraya Somaliya oo aan heysan dal ku gal saxan uu noqonayo qof u socda in uu ku biiro Al-shabaab laguna xukumayo 10 Sano oo Xabsi ah.

Al Shabaab ayaa nafta u keenay Dowladda Kenya, waxaana ay kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan gudaha dalkaasi, oo ugu dambeeyay weerarkii lagu qaaday Guddoomiyaha Mandhera.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: