War deg deg ah: Dib udhac ku yimid Caleema Saarka Madaxweynaha HirShabelle kadib markii la diiday in Beledweyne lagu caleema Saaro Cosoble

WAAJIDPRESS – 19 OCTOBER 2016:

Magaalada Muqdisho maanta waxaa soo gaaray wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha cusub ee Maamulka HirShabeelle oo xaruntiisa tahay Magaaada Jowhar.

Socdaalkiisa waxaa ku wehliya xubno ka tirsan Baarlamaanka Maamulka loo dhisayo Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe,Siyaasiyiin xil doon ah iyo xubno katirsan labada Gole ee Dowladda Soomaaliya.

Cali Cabdulaahi Cosoble,Madaweynaha Hirshabeelle waxaa Magaalada Jowhar ku sii sagootiyay Masuuliyiin uu kujiro Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Cali Guudlaawe iyo Qeybo kamid ah Bulshada Magaalada.

Ujeedka socdaalka Cosoble uu kuyimid Muqdisho ayaa lagu sheegay iney salka ku heyso kulamo uu Magaalada kula yeelanayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si dhab ah looma oga waxyaabaha ay ka wada hadlayaan labada Madaxweyne,balse illo lagu kalsoonyahay ayaa Dhacdo.Com usheegay in Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha HirShabeelle ay isla gorfeyn doonaan qaabka loo soo xulayo Xubnaha Aqalka Sare ee ka imaneysa Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe.

Masuuliyiin ka ag dhaw ninka loo doortay Hogaanka HirShabeelle ayaa inoo sheegay in Madaxweyne xasan Sheekh uu talooyin ka bixin doono sida laga yeelayo Ugaaska Beesha Xawaadle,ugaas xasan ugaas khaliif oo wali lagu qancin la’yahay Maamulka la dhisay.
Qorshaha ayaa ahaa in beri oo Khamiis ah ay dhacdo Xaflada Caleema saarka Madaxda HirShabeelle balse arintaasi ayaa dib udhacday.

Sababaha dib udhaca keenay ayaa noqotay iyadoo la filayay in Caleemasaarka ay ka dhacdo Beledweyne balse arintaasi uu diiday Ugaas Xasan,lagana cabsaday in qorshahaasi ay keento xiisad ka dhacda Beledweyne.

Caleema saarka ayaa hada loo weeciyay Maalinimada Sabtida waxaana lafilayaa iney ka dhacdo Magaalada Jowhar ee Caasimada u ah Maamulka HirShabeelle.

Madaxweynaha Maamulkan Cusub ayaa safarkiisii uhoreeyay kuyimid Muqdisho,wuxuuna talooyin badan ka qaadan doonaa Madaxweyne Xasan oo ah shakhsiga suura galiyay in Cali Cosoble noqdo Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: