War deg deg ah: Dagaal u dhaxeeya ciidamada Galmudug iyo Puntland oo ka qarxay Magaalada Gaalkacyo Ee gobolka MUDUG

WAAJIDPRESS – 20 OCTOBER 2016:

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in hadda magaaladaasi uu ka qarxay dagaal aad u xoogan, kaasi oo u dhaxeeya Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalka saaka oo ku biloowday rasaas yar yar ayaa isku bedelay dagaal Qaraar oo xoog leh, waxaana la sheegayaa labada Maamul ee GALMUDUG iyo PUNTLAND  inay isku adeegsanayaan Madaafiic ku kala dhaceysa dhinacyada ay kala joogaan ciidamada.
Dagaalka ayaa ka socda Galbeedka magaalada gaalkacyo, waxaana la isku adeegsanayaa hubka daran dooriga u dhaca iyo kuwo kale oo ah madaafiicda goobta.
Dad ku sugan Gaalkacyo ayaa inoo sheegay in dagaalka uu yahay mid aad uga culus kuwii maalmahan ka dhacayey Gaalkacyo, waxaana la isku adeegsanayaa Taangiyo.

Dagaalka ka socda Galkacayo ayaa salka ku haaya Dhismaha Maxjarka Puntland ay ka dhiseyso dhul lagu muransan yahay oo ku yaala meel u dhaxeysa Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Gaalkacyo ayaa waxa ay u kala qaybsan tahay labo dhinac, oo ay ka kala taliyaan Maamulada Galmudug Iyo Puntland.

Shir ay shalay ku qabteen Wasiiro ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug ay sheegeen in la isku fahmi waayay wada hadal dhanka Taleefoonka ah oo labada dhinac dhexmaray.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: