War deg deg ah: Qarax xoogan oo goordhow ka dhacay Muqdisho

WAAJIDPRESS – 21 OCTOBER 2016:

Warar Goordhow ku soo dhacay Xoghoose.com ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Goordhow Qarax aad u xoogan uu ka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegayaa in bartilmaameedkiisa uu ahaa Gaadiid dagaal oo ay la socdeen Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan AMISOM.

Gaadiidka dagaal ayaa waxa uu Qaraxa ku haleelay wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegayaa in Qaraxaasi uu khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah.

Qaraxa ayaa dhacay kadib markii ay dhaafen ciidamada AMISOM, mana jirto wax khasaaro ah oo ciidamada AMISOM kasoo gaaray Qaraxa.

Inta la xaqiijiyay Seddex ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay Qaraxa, kuwaasi oo loo qaaday xarumaha caafimaad ee ku dhow dhow wadada warshadaha.

Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaasi gaaray ciidamada dowlada oo howlgalo ka fuliyay, waxaana halkaasi lagu qabqabtay dhalinyaro lala xiriirinaayo Qaraxa.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada AMISOM oo ku aadan Qaraxa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: