Deg Deg:- Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Galmudug oo Gaalkacyo hadda ka bilowdey

WAAJIDPRESS- 22 OCTOBER 2016:

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa hadda ka Bilowday Galbeedka Magaalada Gaalkacyo oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Labada Maamul.

Dagaalka ayaa la isku Adeegsanayaa Hubka Nuucyadiisa kala duwan,waxaana laga Maqlayaa dhamaan Xaafadaha ay ka Kooban tahay Magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa sidoo kale waxaa la isku Adeegsanayaa Hubka Culculus,kaas oo ku dhacaya Goobo ka baxsan Aagga lagu Dagaalamayo.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay dagaalka Magaalada Gaalkacyo, xilli uu socday waan waan u dhaxeysa labada dhinac oo ay wadeen Wasiirada Maamulada Galmudug Iyo Puntland, inkastoo Shir ay ku qabteen Wasiiro ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug ay sheegeen in la isku fahmi waayay wada hadal dhanka Taleefoonka ah oo labada dhinac dhexmaray.

Dadka ku nool Magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaya dagaalka xoogiisa inuu ka socdo Galbeedka Magaaladaasi oo dhinacyada dagaalamaya ay isku adeegsanayaan hub kala duwan.

Xiisada dagaalka ayaa Mudooyinkan ka taagneyd Magaalada Gaalkacyo oo rasaas goos goos ah ay isku ridaayeen dhinacyada isku horfadhiya Magaaladaasi Gaalkacyo.

Ilaa hada si dhab ah looma oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka xoogiisa ka socda Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee u dhaxeeya ciidamada Maamulada Galmudug Iyo Puntland.

Dagaalka ka socda Magaaladaasi ayaa salka ku haaya Dhismaha Maxjarka Puntland ay ka dhiseyso dhul lagu muransan yahay oo ku yaala meel u dhaxeysa Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Gaalkacyo ayaa waxa ay u kala qaybsan tahay labo dhinac, oo ay ka kala taliyaan Maamulada Galmudug Iyo Puntland.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: