Dowladda Mareykanka oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay Iney U Safraan Dalka Itoobiya

WAAJIDPRESS – 22 OCTOBER 2016:

Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Mareykanka ayaa muwaadiniinta dalkeeda ku boorisay iney dib u dhigtaan safarrada aan lagama maarmaanka ahayn ee ay ku tagi jireen gudaha dalka Itoobiya.

Sababta loo joojinayo safarrada noocan oo kale ah ayay ku sheegeen xasilloonni darro ka jirta gudaha dalka Itoobiya awgeed, taas oo ay ka dhasheen dhimasho boqaal qof ah kumanaan kale-na xabsiyada loo taxaabo, diblomaasiyiinta shisheeyana ku riixday iney xakameeyaan dhaqdhaqooqooqda iyo howlahoodii shaqo ee caadiga ahayd.

Wasaaradda oo hadalkan soo saaray Jimcihii shalay, ayaa tiri; xukuumadda Itoobiya 8 October waxay ku dhawaaqday xaalad degdeg ah, waxayna soo saareen amarro dadka loogu hayn karo xabsiyada iyagoo aan wax sharci ah la soo taagin, waxaana la joojiyay dhaqdhaqaayada meelaha ay dadku ku kulmaan.

Haweenay u dhalatay dalka Mareykanka ayaa lagu dilay dalka Itoobiya, kadib markii gaari ay wadatay dhagaxaan lagu harqiyay gudaha bishan October, waxaa kale oo dhibaatooyin loo geystay warshado ay leeyihiin dad shisheeye ah oo maalgashi ku sameystay gudaha dalka Itoobiya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: