War deg deg ah: Ciidamo ka socda Dalalka Jabuuti iyo Burundi oo la geeyay Cadaado

WAAJIDPRESS – 23 OCTOBER 2016:

Wararka ka imanaya Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Duhurnimadii maanta magaalada ay gaareen Askar kamid ah Howlgalka AMisom.

Diyaarad gaar ah oo siday Ciidamadan ayaa ka dagtay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Cadaado waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Masuuliyiin katirsan Maamulka Galmudug.

Tirada askarta AMISOM ee Cadaado lageeyay maanta waxaa lagu sheegay 70 Askari,waxeyna ka kala socdeen wadamada Jabuuti iyo Burundi oo askartooda ay joogaan Soomaaliya.

Saraakiil katirsan Ciidanka AMisom ayaa sheegay in qorshohooda yahay in la geeyo Cadaado askar gaareysa 400,Balse maanta ay magaalada tageen Qeybtii ugu horeysa ee Askarta.

Qorshohooda ayaa ah iney Sugaan Amniga goobaha ay ka dhaceyso doorashooyinka ee Cadaado,waxeyna arintan qeyb ka eheyd Heshiiska Madasha Wadatashiga Qaran oo la iskula meel dhigay in Ciidanka AMisom la geeyo Cadaado.

Sidoo kale waxaa jiray Ciidamo kamid ah Itoobiyaoo la filayay in la geeyo Cadaado balse waxa ay ubaaqdeen Xiisadaha kajira Dalkooda darteed,waxaa suura gal ah in looga baahdo Xasilinta Gudaha itoobiya.

13kii bishan ayey qorshaha eheyd in Magaalada cadaado la geeyo Ciidan ka socda Amisom ka hor doorashada Xubnaha Aqalka Sare umatalaya Maamulka Galmudug.

Ka sokoow qorshaha Ciidanka ee tagay Maanta Cadaado waxaa kaloo jira Shaki laga qabo in Ciidankan ay u sii tilaabaan deegaano kamid ah Galmudug,gaar ahaan magaalada Gaalkacyo si ay ukala dhex galaan Ciidamada Maamulada Puntland iyo Jubaland oo dagaal udhexeeyo mudo ku dhow bil.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: