War deg deg ah: Qarax OO caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

  1. WAAJIDPRESS – 23 OCTOBER 2016:

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegayan in goor dhow uu qarax ka dhacay Degmada Boondheere ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Qaraxan, ayaa waxaa uu ka dhashay gaari SURF ahaa oo qaraxu uu ku haleelay agagaaraha Taalada Daljirka Daahsoon, mana kala cadda in qaraxaasi horey loogu soo xiray gaarigaasi iyo in wadada hareeraheeda loogu diyaariyay.

Nin ka ag-dhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay, ayaa tilmaamay in qaraxaasi uu ka dhacay meel boqol tallaabo dhinaca Degmada Boondheere kaga beegan Taalada Daljirka Daahsoon.
Ninkan oo aan magaciisa sheegin, ayaa yiri “Gaarigan SURF buu ahaa oo xilligii uu qaraxu dhacaayay maraayay, meel boqol tallaabo u jirta Taalada Daljirka Daahsoon, kuna dhow Xarunta Idaacadda Dalsan.”

“Dadkii la socday gaariga ayaa waxaan maqleenaa in khasaaro uu ka soo gaaray qaraxaasi, laakiin cid hadda sheegi karta majirto inta uu gaarsiisan yahay, maxaa yeelay markii uu qaraxu dhacay waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka.”

“Guryo jiingado ka samaysan oo ku dhow Idaacadda Dalsan, ayuu qaraxaasi soo gaarsiiyay burbur.”

Dhinaca kale waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga, waxaan sidoo kale jirin cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: