War deg deg ah: Dagaal saaka mar kale ka qarxay Magaalada Gaalkacyo

WAAJIDPRESS – 23 OCTOBER 2016:

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi saakay uu dib uga biloowday dagaallo u dhaxeeya ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug.

Goob joogayaal ku sugan Gaalkacyo ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid xooggan, islamarkaana la isku adeegsanayo hub culus oo dhinacyada dagaalamaya rasaas culus isku adegsanayaan.

Inkastoo ciidamada dagaalamaya markii horeba ay isku hor fadhiyeen Magaalada Gaalkacyo, ayaanan la ogeyn saaka cida biloowday dagaalkaan xoogan ee ka dhacaya Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada Puntland ayaa billaabey iney duqeeyaan xaafadaha Gaalkacyo ee dhanka Galmudug, shacab badan ayeey waxyeello soo gaartay, dagaalkana aad buu u kulul yahay.

Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxay khasaaraha dhimasho ee ka dhashay Dagaalkii Saaka ka qarxay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Ugu yaraan 5 Ruux oo ka kala tirsanaa Ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen Dagaalkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle iyo Waajidpress ee Magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in ay sidoo kale jiraan Askar iyo Shacab kale oo ku dhaawacmay Dagaalkaasi.

Dadka shacabka ah ee ku nool Magaalada Gaalkacyo, ayaa ka cabsi qaba inay saameyn ku yeelato dagaalada ka socda Magaalada Gaalkacyo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: