Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda oo Caawa lagu Dilay Muqdisho

WAAJIDPRESS – 24 OCTOBER 2016:

Kooxo hubeysan ayaa Caawa Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey ku Dileen Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.

Sarkaalka la dilay oo magaciisa lagu sheegay G/dhexe C/casiis Caraaye ayaa lagu dilay agagaarka hotelka Dayax.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in sarkaalkan ay kooxaha soo weeraray rasaas ku boobsadeen xili uu gaarigiisa ku dhex jiray, wuxuuna ku qur baxay isla goobtaas

Kooxihii ka dambeeyay dilkaasi ayaa durbaba goobta isaga baxsaday.

Dhinaca kale, Xarakada Al Shabaab ayaa dhabarka u ritay mas’uuliyada dilka Sarkaal C/casiis Careeye.

Dilalka iyo qaraxyada lala beegsado shaqaalaha, askarta, saraakiisha iyo madaxda dowlada Somalia ayaa marar badan ka dhaca magaalada Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka, waxaana inta badan sheegta weeraradan kooxda Al-shabaab oo diidan jiritaanka dowlada iyo joogitaanka ciidamada shisheeye ee dalka jooga.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: