War deg deg ah: Weerar Ismiidaaminta ee maanta lagu qaaday Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Baladweyne ee gobolka HIIRAAN

WAAJIDPRESS – 25 OCTOBER 2016:

Qarax ismiidaamin ah oo maanta lagu weeraray saldhig ay Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti ku leeyihiin Xaafada Howl-Wadaag ee galbeedka magaalada Baladweyne.

Weerarkan oo noqonaya kii ugu culsaa oo wayadii ugu danbeeyay lala eegto Ciidamada AMISOM ee gobolka Hiiraan ayaa lagu qaaday Saldhig ciidanka Jabuuti ay ku leeyihiin Xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada Beledwene.
Qof ku sugnaa goob aan ka fogeyn saldhiga la weeraray sheegay in gaari UD ah oo dusha sare laga soo saaray ”Bal” [Cowska ay cunaan Xoolaha] lagu weeraray saldhiga, iyadoo wixii intaa ka danbeeyayna la maqlayay rasaas culus.

Inta la xaqiijiyay shan qof oo labo kamid ah ay yihiin ciidamada Jabuuti ayaa qaraxan ku dhintay, waxaa dadka kale ee dhintay la sheegay in ay ahaayeen dad shacab ah oo ka agdhawaa halka uu ka hacay qaraxa ismiidaaminta ah.

 

Ciidamada Militariga Jabuuti ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa maanta hal nin kala baxay Isbitaalka Guud Baledweyne.

Ninkan oo dhaawac uu ka soo gaaray qaraxii maanta lagu weeraray Xerada Ciidamada Jabuuti, ay ku leeyihiin xaafadda Hawlwadaag ee Galbeedka Magaalada Baledweyne, ayaa waxaa Isbitaalka Baledweyne loo keenay si loogu dabiibo.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ninkaasi la arkay isagoo ka degaaya gaarigii weerarka lagu fuliyay, ka hor inta aanu ku qarxin afaafka hore ee Xerada Ciidamada Jabuuti.

Axmed Cismaan Cabdalla (Axmed Inji), Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Ammaanka ee Maamulka Gobolka Hiiraan, ayaa xaqiijiyay in ninkaasi lagala baxay Isbitaalka Baledweyne.

Gudoomiye Ku Xigeenka, ayaa ku waramaya in ninkaasi uu ka degay gaari nooca xamuulka ah, oo Shabaabku u adeegsadeen weerarkaasi, lana ogaaday in isagoo dhaawac qaba uu isu soo dhex qariyay shacabka.

Dhanka kale Ciidamada Jabuuti, ayaa waxay qaraxa ka dib isu ballaariyeen xaafadda Hawlwadaag iyo xaafadaha kale ee ku yaala Galbeedka Baledweyne, iyagoona ka sameeyay hawlgal ay dad ku soo qab qabteen.

Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkan ismiidaaminta ah ee lagu qaaday ciidamada AMISOM ee ku sugan Badalweyne, waxa ayna sheegteen Shabaab in weerarkaasi ku dileen ku dhawaad 20-askari oo katirsan Ciidamada AMISOM.

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: