Itoobiya: Cabsi Al-Shabaab Ciidankeena uma bixin ee Beesha Caalamkaa balantii nooga baxday

WAAJIDPRESS – 27 OCTOBER 2016:

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Beesha Caalamka ay ka beensheegtay ka bixitaankooda Soomaaliya kadib markii ay Dowladda Itoobiya billowday in Ciidamadeeda aan ka midka ahayn AMISOM ay billaabeen in ay ka baxaan Soomaaliya.

Itoobiya waxaa ay sheegtay in Beesha Caalamka ay ku tilmaantay ka bixitaankeeda Soomaaliya in ay la xiriirto culeys ka soo wajahay xarakada AL-shabaab oo degaannada ay ka baxayaan Ciidanka Itoobiya saartay Culeys milatari.

Taas beddelkeeda Dowladda Itoobiya waxaa ay sheegtay in Beesha Caalamka ay ka baxday ballan ay la gashay Dowladda Itoobiya oo ahayd in Ciidanka Itoobiya ee galay Soomaaliya ay tababaraan Ciidanka Dolwadda Soomaaliya dhaqaalahana ay bixiso Beesha Caalamka.

Wasiirka Warfaafinta Itoobiya,Reda,ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya ay Ciidankeeda aan ku jirin AMISOM kala baxeyso Soomaaliya kadib markii ay Dolwadda Itoobiya la kulantay Saad yari,sidaa darteedna ay iyada go’aansatay in Ciidankeeda ay ka laabtaan Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Dolwadda Itoobiya ay heysato Ciidan ku filan xasilinta gudaha Itoobiya islamarkaana aysan hadda heysan culeys milatari oo gudaha ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: