War deg deg ah: Dagaal culus oo maanta ka dhacay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan iyo Dilal ka dhacay Ex-Kontrol Balcad ee Muqisho

WAAJIDPRESS – 27 OCTOBER 2016:

Wararka laga helayo Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo Dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab uu ka dhacay Degmadaasi.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay weerar madaafiic ahaa ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin Degaanka Eer-gureey ee Degmada Jalalaqsi.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxuu sheegay in madaafiic jawaab ahaa oo ay tuureen Ciidamada Jabuuti uu ku dhintay ugu yaraan 1 Ruux islamarkaana uu dhaawac ka soo gaaray labo kale.

Waxuu sidoo kale uu intaasi ku daray in khasaaraha ka dhashay madaafiicda ay is-weedaarsadeen labada dhinac uu kordhi karo.

Dhinaca kale isla maanta, Ugu yaraan afar askari oo ka tirsan ciidanka dowlada Somalia ayaa maanta lagu dilay qaar kaalena waa la dhaawacay weeraro kala duwan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Weerarka hore ayaa ka dhacay agagaarka Ex-kontrol Balcad oo ka tirsan degmada Heliwaa ka dib markii kooxo hubeysan rasaas ooda kaga qaadeen ciidamo ka tirsan dowlada oo xiligaas goobta ku sugnaa.

Afar ka mid ah ciidamada dowlada ayaa halkaas lagu dilay, waxaana goobta ka baxsaday kooxihii weerarka geystay; Falalka amaan daro ayaa maalmahan ku soo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana habeenaadii la soo dhaafay ka dhacay dilal loo geystay saraakiil iyo qaar ka mid raggii dilalka fulinayey.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: