War deg deg ah: XEER ILAALIYE KU-XIGEENKII MAXKAMADA CIIDANKA QALABKA SIDA OO U GEERIYOODAY DHAAWAC HOREY LOOGU GEYSTAY

WAAJIDPRESS – 28 OCTOBER 2016:

Waxaa maanta magaalada muqdisho ku geeriyooday xeer illaaliyihii maxkamada ciidamada qalabka sida dowladda Soomaaliya ALLAHA u naxariistee Col. C/llaahi Mayonge.

Wararka ayaa sheegaya in Col. Mayonge uu u geeriyooday Dhaawac ka soo gaaray Weerar degmada Warta nabada ee magaalada Muqdisho ay ugu geysteen rag ka tirsanaa Al shabaab bishii hore.

Dableyda ka tirsan Al-Shabaab ayaa rasaas ooda kaga qaaday gaari uu la socday Col. Mayonge, waxaana ku dhintay darawalkiisa, halka isagana dhaawac halis ah oo ugu dambeyn uu maanta u geeriyooday.

Dhaawiciisa ayaa lagu dabiibayey mudooyinkan Magaalada Muqdisho, Col. C/llaahi Mayonge ayaa in muddo ah la shaqeynayay maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaaliya oo horey dil iyo xabsiba ugu xukuntay dad badan oo ay ku jiraan rag ka tirsanaa Al-Shabaab.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: