Archive for Nofeembar, 2016

DAAWO: Mahad Cabdalla Cawad iyo Khaalid macow Cadulqaadir ayaa maanta loo doortay aqalka hoose

Nofeembar 30, 2016

WAAJIDPRESS – 30 NOV 2016:

Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhacday Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee Beesha Banaadiriga.

Beelaha Banaadiriga ayaa aqalka hoose ku leh 5 kursi, Kursgii ugu horeeyay ee Beelaha Banaadiriga waxaa ku guuleystay khaalid Macow C/qaadir oo helay codad gaaray 29 cod, Shariif Maxamed Muxudiin oo la tartamayay uu helay 21 cod. Waxaa kaloo maanta la doortey aqalka hoose Mahad Cawad oo ka soo jeeda beesha DIR oo matali doona Xildhibaanada Gobolada Waqooyi oo maanta doorashadoodii ka bilaabatey Muqdisho  — – DAAWO:

 

 

Advertisements

Madaxweynaha Somaliya Oo Si deg deg ah ku aaday dalka itobiya & warar Hordhac ah ……

Nofeembar 30, 2016

WAAJIDPRESS – 30 November 2016:

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno katirsan dowlada ayaa maanta u ambo baxay magaalada Adis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya.
Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Adis Ababa kula kulmi doono Madax katirsan Dowlada Itoobiya, waxa ayna kawada hadli doonaan arimo badan ay kamid tahay doorashada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorshihiisa uu ku doonayo in mar kale talada dalka sii hayo waxa uu taageero uga helayaa Dowlada Itoobiya, waxa ayna Xukuumada Adis Ababa cadeesay sida ay u taageersan tahay in Xasan Sheekh sii hayo talada Soomaaliya.

Magaalada Adis Ababa waxaa maalmo kahor sidoo kale tagay Musharaxiin Madaxweyne ay ku jiraan Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Glabeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

DEG DEG: CABDI FATAAX IBRAHIM GEESEY OO KU GUULEYSTEY KURSIGA 2AAD EE BEESHA LEYSAAN /ORSI iyo BEESHA HADAMO OO…..

Nofeembar 30, 2016

WAAJIDPRESS – 30 NOVEMBER 2016:

02-31     dsc_8562-1024x678

Waxaa Magaalada Baydhabo ka Socoda Wajagii 3aadEe doorashada Aqalka Hoose Ee BFS 2016, waxaana kusoo baxay rag uu kamid yahay Wasiirka Amniga dowlada KGS Mudane Cabdifataax mohamed ibraahim Geesey.

Waxaa Magaalada Baydhabo ka Socoda Wajagii 3aadEe doorashada Aqalka Hoose Ee BFS 2016, Isla markaana waxa Goordhow ku guuleystey  C/fataax ibrahim Geesey kursiga 2aad Beesha Leysaan /Orsi

C/fataax Ibrahim geesey 33 cod
Cumar Cali Balash 17 cod.

Dhinaca kale isla maanta, Waxaa Magaalada Baydhabo ka Socoda  Wajagii 3aadEe  doorashada Aqalka Hoose Ee BFS 2016, Isla markaana waxa Goordhow Xildhibaan  Maxaxmuud Maxamed Boonow oo Ku Guuleystey Kursiga 2AAD Ee Beesha Hadamo.

Xildhibaan Maxamuud  Boonow ayaa heley 31 cod, waxa looga adkaadey C/qaadir Baashi.

Donald Trump oo ka hadlay wiilkii Somaliga ee weeraray Jaamacadda Ohio

Nofeembar 30, 2016

WAAJIDPRESS – 30 NOVEMBER 2016:

Donald Trump, Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii uu C/risaaq Cali Cartan ku qaaday Jaamacadda Ohio ee Magaalada Columbus, maalintii Isniinta.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, ayaa sheegay ka hor inta aan la toogan C/risaaq Cali Cartan, uusan mudnaynba inuu ku noollaado Mareykanka.

Ururka Daacish oo isu magacaabay (Dowladda Khilaafada Islaamka), ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi, oo Cartan uu ku dhaawacay kow iyo toban qof.

Daacish, ayaa barteeda Amaq ku sheegtay in Cartan oo 18 sano jir ahaa, uu ahaa askari iyaga ka tirsan.

Donald Trump, ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-kiisa ku sheegay “Kooxda ISIS ayaa ku faaneyso tooriyayntii Jamaacadda Ohio, oo uu gaystay qaxooti Soomaali ah, oo markii horeba aan mudnayn inuu dalkeena jooggo.”

Weerarkan waxaa uu noqonayaa noociisii ugu horeeyay oo Muwaadin Somaliyeed uu ka gaysto gudaha Mareykanka, tan iyo markii Donald Trump loo doortay Madaxweynaha Mareykanka.

Trump, ayaa marar badan weerar afka ah ku qaaday bulshada Somaliyeed ee ku nool dalkaasi, isagoo markaasi ku eedeynaya inay argagixiso yihiin.

DAAWO: XISBIGA WADANI OO EEDEYN I JEEDIYEY XUKUUMADA SOMALILAND

Nofeembar 30, 2016

WAAJIDPRESS – 30 NOVEMBER 2016:

 

DAAWO: MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO LAGU EEDEEYEY IN UU FARAGELIN KU HAYA DOORASHADA XILDHIBAANADA AQALKA HOOSE

Nofeembar 30, 2016

WAAJIDPRESS – 30 NOVEMBER 2016:

 

 

 

 

DAAWO: HEES LAGU QAADEY BAYDHABA OO LA YIRAAH “LIXDEENA GOBOL TASHANEY EE MAXAA LAGU DIIDAN YAHAY”

Nofeembar 30, 2016

WAAJIDPRESS – 30 NOVEMBER 2016:

 

 

War deg deg ah DAAWO: Wasiir Maareeye Oo Dacawad Ka Gudbiyey Nabadoonka Beeshiisa ah+Saxaafadana kula hadlay Gudaha Dambi Baarista

Nofeembar 29, 2016

WAAJIDPRESS – 29 NOV 2016:

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Ayaa Maanta Gal Dacwadeed ka Gudbiyay Nabadoonka Beeshiisa.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in Nabadoonka uu ka been Abuurtay islamarkaasina uu Sharciga la tiigsanayo – DAAWO:

 

 

War deg deg ah: Qarax Xoogan oo Ciidamada Puntland lagula eegtay Duleedka Boosaaso

Nofeembar 29, 2016

WAAJIDPRESS – 29 NOV 2016:

war-deg-dega12

Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Qarax khasaaro geystay lagu beegsaday Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland.

Qaraxan oo ahaa miino ayaa khasaaro dhimasho iyo mid dhaawacba waxuu u geystay sida la sheegay Ciidamada Maamulka Puntland.

Kolonyada Ciidamada Puntland ayaa Qaraxan waxaa lagula eegtay inta u dhaxeysa Buuraha Galgala iyo Magaalada Boosaaso.

Dhinaca kale, Xarakada Al Shabaab ayaa dhabarka u ritay mas’uuliyada Qaraxaasi ka dhacay Duleedka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Warbaahinta ayaa sheegeysa in Qaraxaasi ay ku dhinteen labo Askari, islamarkaana lagu dhaawacay 11 kale oo ka mid ah Ciidamada Maamulka Puntland.

Buuralayada Galgala ayaa waxaa hore uga dhacay dagaalo ay isaga horyimaadeen ciidamada amniga ee Puntland iyo Al-Shabaab iyadoo qaar ka mid ah dagaalyahanadii ururka Alshabaab ay ku biireen ururka IS.

Buuraleyda Galgala ayaa ah meel ay saldhigyo u lahaayeen ururka Daacish iyagoo hore dagaalo halkaas ka dhacay ay geysteen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray ciidamada ammaanka Puntland iyo dagaalyahanada Daacish.

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka Puntland oo ku aadan sheegashada Al Shabaab ee ah in Qarax ay ku burburiyeen Kolonyo ay wateen Ciidamada Puntland.

Ugu dambeyn, Ciidamada Maamulka Puntland ayaa muddooyinkii dambe isku diyaarinayeen qaadista weerar ka dhan ah Xoogag ka mid ah Ururka Daacish oo ku sugan Degaanka Qandala.

War hadda soo dhacay: Iska-horimaad khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Nofeembar 29, 2016

WAAJIDPRESS – 29 NOV 2016:

war-deg-dega12

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska horimaad Ciidmo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhexmaray Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Iska horimaadkan ayaa ka dhacay galbeedka Xaafada Oodweyne ee Degmada Dayniile, waxaana Dagaalka uu salka ku hayaa murun la xiriir dhulal goof ah oo ku yaalla Degmadaasi.

Goobjooge la hadlay Idaacadaha dalka ayaa sheegay in iska horimaadkaasi ay ku dhaawacmeen 3 Ruux oo Shacab ah.

Xaalada Degmada ayaa lagu soo waramayaa in caawa ay kacsan tahay maadaama labada dhinac ay weli iska hor-fadhiyaan halkaasi.

Maamulka Degmada Dayniile weli wax hadal ah kama soo saarin Dagaalka la sheegay in uu ka dhacay Degmadaasi.