Akhriso then Magacyada: Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirka A. Dibadda iyo wasiiro kale – Magacyada

WAAJIDPRESS – 1 NOVEMBER 2016:

wasiirrada_cusub_ee_itoobiya-1

— Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa shaqada ka eryay xubno muhiim oo aad ugu dhowaa, kuwaasoo ay ku jiraan Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Maaliyada Xukuumadda Itoobiya.

Is bedelkan ayaa ah mid loogu tala galay in wax looga qabto cabashooyinka ka imaanaya dadweynaha, kuwaasoo dhigaya dibad baxyo ay ku diidan yihiin dowladda.

Mr Hailemariam ayaa magacaabay 20 wasiir oo ay ku jiraan wajiyo cusub oo hoggaamin doono wasaaradaha maaliyada iyo arrimaha dibedda.

Baarlamaanka dalka Itoobiya, ayaa meel-mariyay Wasiirada Cusub ee Itoobiya oo RW Hailemariam uu isku shaandheynta ku sameeyay.

Isku shaandheynta Xukuumadda ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dalka lagu soo rogay xaalad deg deg ah, waxaana muddo sanad ku dhow ka socda qeybo ka mid ah dalka Itoobiya banaan baxyo ka dhan ah dowladda, kaasoo ay dhigayaan labada qowmiyadood ee ugu ballaaran Itoobiya

Xil ka qaadista Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom ayaan aheyn mid layaab ah, maadaama horay loogu ansixiyay inuu u tartamo Jagada madaxa Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Waxaa lagu bedelay Tedros Adhanom Hoggaamiye kuxigeenka Ururka Dimoqraadiga Oromada, kuwaasoo qeyb ka ah isbaheysiga talada haya.

Xubno kale oo muhiim ah ayaa laga yaabaa in is bedel lagu sameeyo, si looga jawaabo dibad baxyada ay dhigayaan dadka Oromada iyo Amxaarada oo dowladda ku eedeynaya in laga gacan bidxeeyay adeegyadii iyo maamulkii dowliga, isla markaana isku koobeen koox yar, Ra’isul Wasaaraha Ethiopia – Wasiirada Magacyadooda iyo Jagooyinka loo magacaabey ee waa:

Haddaba, Golaha Wasiirrada Cusub ee Waddanka Itoobiya ayaa Waxay ka mid ah;

  1. Ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya, Demeke Mekonnen
    02. Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Workneh Gebeyehu – (Wuxuu ka soo jeedaa OROMO)
    03. Wasiirka Gaashaandhigga, Siraj Fegessa
    04. Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta, Debretsion Gebremichael
    05. Wasiirka Warshadaha, Ahmed Abitew
    06. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaaaha, Abdulfetah Abdulah
    07. Wasiirka Maaiiyadda, Dr. Abreham Tekeste
    08. Wasiirka Ganacsiga, Dr. Bekele Bulado
    09. Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumeysiga, Prof. Fekadu Beyene
    10. Wasiirka Beeraha iyo Khayraadka, Eyasu Abrha
    11. Wasiirka Gaadiidka, Ahmed Shide
    12. Wsiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Ristu Yirdaw
    13. Wasiirka Dhismaha, Injneerad Aisha Mohammed
    14. Wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Korontada, Dr. Sileshi Bekele
    15. Wasiirka Shidaalka, Motuma Mekassa
    16. Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Dr. Gemedo Dale
    17. Wasiirka Waxbarashada, Dr. Shiferaw Tekelemariam
    18. Wasiirka Caafimaadka, Prof. Yifru Berhane
    19. Wasiirka Haweenka iyo Carruurta, Demitu Hambissa
    20. Wasiirka Xafiiska Xiriirka Xukuumadda, Dr. Negeri Lencho

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: