Wasiirka Wasaarada Dowlad Goboleedka KOONFUR Galbeed oo Baydhabo ku daahfuray shir looga hadlaayay Kobcinta Shirkadaha yar yar iyo Kuwa dhexe iyo Maalgelintooda.

WAAJIDPRESS – 1 NOVEMBER 2016:

img_1058 img_1059 img_1060 img_1058 img_1062

Kulanka looga arinsinaayey Kobcinta Ganacsiga iyo dhaqaalaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa waxaa daahfuray Wasiirka Wasaaradda Maaliyada dowlada goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Dr. Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur, waxaana kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Rugta Ganacasiga Maamulka Koonfur Galbeedee Soomaliya, Ganacsadata Gobolka Bay ee Koonfur Galbeed, Maamuka Iskaashatooyinka kala duwan ee deegankas ka jira iyo Wakiilo ka kala socoday shaqaalaha mashruucan oo ay fulinayaan Haayadaha BDO LLP iyo DAI.
Mashruucan oo la daahfurey ayaa waxa uu ka midyahay mashaariic dhowr ah oo uu maalgileyey Bankgiga Adduunka. Labada Mashruuc ee laga furey Baydhabo ayaa waxa kala yiraadaa Somali Small Medium Enterprise Facility ( SMEF) iyo Somali business Catalytic Fund (SBCF).
Shirkan ayaa waxaa ka Hadley Xiriiriyaha mashruuca maalgelinta SBCF ee Bartamaha iyo Koonfurta Dalka Soomaliyaxamed Cadceed sheegayna in barnaamijkan uu yahay mid lagu horumarinayo ganacsiga dalka.
Waxa isaguna sidoo kale ka Hadley goobta shirka Xidhiidhiyaha mashruuca labaad ee SMEF Cabdiqadir Khaliif , masuulku waxa uu faahfaahin ka bixiyey in mashruuca loogu talogaley sidii loo kobcin lahaa Ganacsiga gobolka korna looogu qaadi lahaa aqoonta iyo farsamada xirfadaha ee ganacsatada dalka.
Guddoomiyaha Gudiga Rugta Ganacasiga Koonfur Galbeed Maxamed Macalin Axmed ayaa bankiga adduunka uga mahadceliyey Maalgalinta Soomaaliya uu kusameynaayo. Ganacsatadana ku booriyey in ay ka faa’ideysataan fursadahan loogu keeney gobolkooda.
Wasiirka Maaliyadda Koonfur Galbeed Sheekh Xasan Ibraahim oo ka hadlayay furitaanka shirkan ayaa faah faahiyay muhiimadda uu u leeyahay horrumarka dhaqalaah iyo aqoonta farsmo ee ganacsiga deegaanada Koonfur Galbeed.
“Waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faa’iideysan doontaan hadaa tihiin ganacasatada magaalada Baydhabo mashruucan, waana umahadcelinaynaa bankiga adduunka iyo Haayadaha wakiilka uga ah fulinta mashruuca ,shirkuna waa inoo furanyahay” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda ee dawladgoboleeydka Koonfur Galbeed.ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: