War deg deg ah: Nabadoon Maanta Muqdisho lagu diley iyo Duqeymo ka dhacdey Afgooye

WAAJIDPRESS – 2 NOV 2016:

Labo Ruux oo ku hubeysnaa bistoolada ayaa lagu soo waramayaa in ay ku Dileen Nabadoon Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Nabadoonkan oo magaciisa lagu sheegay Hilowle Xeefoow Xuseen ayaa sida la sheegay Dilkiisa waxuu ka dhacay Suuqa Weyn ee Degmada Wadajir.

Guddoomiyaha Degmada Wadajir, Axmed Cabdulle Afrax oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu xaqiijiyay Dilka Nabadoon Hilowle Xeefoow Xasan.

Dhianca kale, Waxaa faah faahin ay ka soo baxayaan duqeyn xalay ka dhacday Tuulo lagu magacaabo Yimbis oo ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Duqeyntan ayaa waxaa geystay diyaarado dagaal oo loo maleynayo in laga leeyahay dalka Mareykanka, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa u sheegay SONNA in duqeyntan lagu bartilmaameedsaday saldhig Al-Shabaab ku sugnaayeen, balse ay dib ka soo sheegi doonaan wixii faah faahin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in duqeynta kaddib ay ciidamo dhulka u dageen, lana dagaalameen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: