Akhriso then Daawo: Wadahadaladii Khaatumo iyo Somaliland ee ka dhacay Addis Ababa Maalintii Shalay oo la isku afgartey qodobo dhowr ah

WAAJIDPRESS – 3 NOV 2016:

Magaalada Adis Ababa ee xarunta Midowga Afrika ah, ahna casimada Ethiopia ayaa waxa  ka dhacay kulan  Cali Khaliif Galeyr ee Khaatumo  iyo Madaxweynaha Dowlada Somaliland ah Mr. Siilaanyo, kaa soo ay dhexfadhiday dawladda Ethiopia gaar ahaan wasaarada arimaaha Dibada Dalkaasi. 

 Warbaahinta ayaa Shaacisey  Waxay shegeen in lagu heshiiyaay qodobo dhawr ah oo kale ah:

1- In labada maamul u wada hadlayaan si siman/Laba maamul oo buuxa

2- Inay isku afgarteen inay wada hadlaan si qorshaha uu u noqdo mid lagu gulaysto 

3- In wada hadaladu ka dhacaan dalka Ethiopia oo dawladda dalkaasi ay fududeen doonto

4- In wada hadalad u horeeyaa ay dhacaan 17ka bishan November ee aynu ku jirno.

Dawladda Ethiopia ayaa sheegtay inay si buuxda u dhex dhexaadin doonto labada dhinac, isla markaa in wada hadalada dambe ku qabsoomi doonaan Adis Ababa ama magaalo kale oo dalka Ethiopia ah.

Madaxda Khaatumo ee Adis Ababa ayaa xaqiijiyey in dhawaan ay ku noqon doonaan gudaha dalka isla markaana laga soo xaajoon doono sidii wada hadalada loogu diyar garoobi lahaa, waxana heshiiska hada uu yahay oo keliya in la isku afgartay in la wada hadlo– Daawo Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlaya arimahaasi maanta:

 

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: