War deg deg ah: 500 Ciidamada Daraawiishta Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ka tirsan oo xoog kula wareegey Hadda Magaalada Goofgaduud ee gobolka BAY

WAAJIDPRESS – 3 NOV 2016:

IMG_25F71E-AE3EC2-7EF674-7FD2ED-1AC877-689793 image koo2

Ciidamada Daraawiishta  Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa goor dhaw la wareegay gacan ku haynta Deegaanka Goofgaduud oo Qiyaastii Magaalada Baydhabo u jirta 30-KM.

Ciidamada uu hogaaminaayo Wasiirka Hub Ka Dhigista & Dhaqancelinta Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), oo tiradooda ay gaareyso 500 oo Askari ayaa gudaha u galay Deegaanka Goofgaduud maanta isla markaana ka ceyrsadey Xoogaga Al-Shabaab oo maalmahani ku sugnaa deegaankaasi.

Xaalada Deegaanka Goofgaduud ayaa degan, waxaana si buuxda hada gacanta ugu haayo ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamadan la wareegay gacan ku haynta deegaanka Goofgaduud, ayaa waxa ay yihiin ciidamo laga soo kala qoray deeganada Maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, ciidamada Koonfur Galbeed oo halkaasi ku qabtey hub aad iyo aad u farobadan oo ay ka carareen Xoogaga AL-Shabaab.

Deegaankaasi, ayaa lagu wadaa in ay gaaraan Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan.

Taliye ku xigeenka Booliska Gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cari Case, ayaa sheegay deegaanka inay joogaan hada ciidankooda oo nabad ay ka jirto.

Dhinaca kale, Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa isla maanta Ciidamo aad u hubeysan oo gaaraya 315 askari u direy Degmada Tiyeeglow ee Gobolka BAKOOL.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: